Al-Shabaab Oo Sheegtay Masuulidda Dilal Ka Dhacay Muqdisho Iyo Afgooye

0
Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilal siyaabo kala  saacadihii lasoo dhaafay uga dhacay magaalada Muqdisho iyo deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose .
Wararka alshabaab ay ku baahiyaan dhinaca barahooda intarneetka waxa ay ku sheegteen in Weerar ka dhacay wadada jaayga ah ee aadda deegaanka Daarusalaam ee gobolka Banaadir ay ku dileen 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda  iyadoona  sheegay in ay gubeen gaari ay la socdeen.

Dhinaca kale al-shabaab ayaa sheegtay masuuloiyadda nabdoono lagu dilay gudaha degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose
waxaana al-shabaab ay sheegeen in xubno hubaysan oo ka tirsan ay degmada Afgooye ku dileen 2 laba nabadoon oo kamid ahaa ergadii soo xulay xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

labada nabadoon ee la dilay ayaa waxa la sheegay in lagu kala magacaabi jiray Cusmaan Cabdi Saalax iyo Cabdullaahi Biyoonda,
sidoo kale alshabaab ayaa sheegtay in ugu yaraan 1 askari ay ku dileen weerar lagu  qaaday saldhig ay ciidamada maamulka ‘Jubbaland’ ay uga sugnaayeen deegaanka Baarka ee duleedka Kismaayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here