Siyaasiyiinta Puntland Oo Sheegay in Masuulidda Dagaalka Boosaaso uu Qaadayo Madaxweyne Dani

0

Xili saacadihii lasoo dhaafay Dagaal xoogan oo khasaaro kala duwan dhaliyay uu ka dhacay Magaalada Boosaaso  xarunta ganacsiga maamulka Puntland ayaa durbadii waxa soo baxaya dhaliilo loo jeedinayo  hogaanka ugu sareya maamulka Puntland

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Puntland ayaa waxa ay si aad ah dagaalkaan iyo hurintiisa ugu eedeeyeen madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Dani

Waxaana ay sheegeen in ay fiicneyd in aan la qaadin talaabo khasaaro iyo burbur uhorseedaysa Maamulka Puntland oo aan horay deegaanadooda looga baran dagaalo tuus ah oo magaalooyinka waaweyn ah

Xildhibaan Saleebaan Faarax ciise oo horay uga soo mid noqday barlamaanka Puntland ayaa nasiib daro ku tilmaamay barakaca iyo colaada ka bilaabatay Magaalada Boosaaso

Waxaana uu sheegay in dagaal uu yahay mid uu wado madaxweynaha Puntland isagoo xusay in markii horeba lagu guuleystay in xiisada si nabdoon iyo wadahal lagu xaliyo islamarkaasna wax laga xumaado uu ku tilmaamay in xalka loo arko qori caaradiisa.

Xildhibaan suleeybaan ayaa waxa uu sheegay in madaxweyne isagu uu bixiyay Amarka lagu weerar ciidanka PSFta islamarkaasna uu qaadayo mas’uuliyadda iyo waxkasta oo soo gaara shacabka Puntland

Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xili shalay si toos ah ay magaalada boosaaso ugu dagaalameen ciidamo ka wada tirsan Puntland dagaalkaasi oo dad shacab ah ay ku waxyeeloobeen

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here