Howlgalo Lagu Dilay Xubno katirsan Al-shabaab Oo Ka Dhacay Shabeelaha Hoose

0

Ciidamada dowladda gaar ahaana kuwa sida gaar ka ah u tababaran ee gorgor ayaa sacadiihii lasoo dhaafay howlgalo culus ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka shabelelaha hoose.

Howlgalkaan ayaa waxa si gaar ah looga fuliyay deegaano hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose,Waxaana saraakiisha ciidamada dowladda ee howlgaladaan hogaaminayay ay sheegeen in howlgalkaan ujeedkiisu uu ahaa sidii al-shabaab looga saari laaha deegaanada dhaca gobolka shabeelaha hoose.

howlka ayaa ka dhacay deegaannada Shaamgare, Mubarak iyo Jowhar yarey halkaasi oo meelo ka mid ah la sheegay in ciidanka dowladdu ay iska caabin kala kulmeen xubno ka tirsab dagaalamyaasha  Al-Shabaab.

War kasoo baxay warbaahinta dowladda ayaa waxa lagu sheegay in 5 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha  Al-Shabaab lagu dilay howlgalkaan ka dhacay degaanka Shaamgare, halka 7 kale dowladdu sheegtay in lagu dhaawacay.

Taliyaha Guutada GORGOR Coll Dayax Cabdi Cabdulle ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay ciidanku kaabiga ku hayaan degaanno kale oo ay ku suganyihiin xubno ka tirsan al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here