Faahfaahino:- Dagaal Saakay Markale Dib Uga Qarxay Boosaaso

0

wararka naga soo gaaraya gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in markale magaalada boosaaso uu saakay ka bilowday dagaal xoogan oo udhexeya ciidamada puntland iyo kuwa PSFta ee isla maamulkaasi

dhawaqa raasta dagaal ay waa barigii hore kusoo waabariisteen dadka ku dhaqan magaalada magaalada boosaaso

waxaana lagu soo waramayaan in dagaalkaan oo ilaa iyo haatan socda uu ka dhashay qasaaro kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac

dagaalkaan udhexeya ciidamada kawada tirsan puntland ayaa si rasmi ah shalay ugu bilawday boosaaso walow uu goordhexe joogsaday balse marakale ayuu saakay markale ka qarxay boosaaso ,iyadoona dagaalkaan oo haatan socda in ka badan 24 saacadood ku dhintay in ka badan 10 qof oo shacab ah iyadoona ku dhawaad 40 ruux ay ku dhaawacmeen.

Wali marjirto wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac ee dagaalamaya marka laga reebo duqa boosaaso oo shalay eedeyn kulul ujeediyay hogaanka ciidanka PSFta

intaasi waxa dheer xalay waxa kulan looga hadlayo amniga boosaaso wada qaatay madaxda ugu sareysa maamulka si puntland oo ay ugu horeeyaan madaxweyne dani iyo ku xigeenkiisa axmed karaash

sidookale waxa dhankooda ka hadlay dagaalka boosaaso dowladda mareykanka oo iyadu tababarta ciidanka PSFta

waxaana ay sheegtay in loo baahanyahay  in dagaalka si degdged ah loo joojiyo islamarkaasna wax kasta lagu dhameeyo wada hadal

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here