Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ayaa beeniyay qoraal lagu baahiyay baraha Bulshadda oo lagu sheegay in ay hakiyeen doorashadii dalka ka socotay,kadib shaqo ka joojintii Xubno kamid ah Guddiga Xalinta Khilaafaadka.
Qoraal lagu baahiyay guddiga ayaa lagu sheegay in wararka lagu baahiyay baraha bulshadda ay yihiin beeen abuur,islamarkaana doorashadda ay sii socon doonto.


