Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Xoogan oo xalay ka dhacay Degmada Matabaan Ee Gobolka Hiiraan.
Qaraxaan ayaa waxa la sheegay in uu ahaa mid culus oo jugtiis inta badan laga Maqlay Dhamaan Xaafadaha iyo Deegaanka ku teedsan Degmada Matabaan Warar aan ka helay Matabaan ayaa sheegay in qarax uu xalay Fiidkii ka dhacay Gudaha Saldhiga Booliska Degmada islamarkaasna uu jiro khasaare uu geystay kaas oo aan wali si dhab ah loogu xaqiijin.
Qarax kadib Ciidamada Dowladda iyo kuwa maamulka hirshabeele ee ku sugan Degmada matabaan ayaa la sheegay in halkaasi ay ka sameeyeen baaritaano kala duwan oo ay ku xaqiijinayaan Amaanka Magaalada,iyadoona xaalada Magaalada matabaan lasoo sheegayo in haatan ay dagan tahay marka laga soo tago Cabsi laga qabo in falal amiga ka baxsan ay halkaasi ka dhacaan.
Laamaha Amniga Iyo Maamulka Degmada Matabaan Wali wax Faahfaahin ah maka bixin khasaaraha dhaliyay kadhashay qarax Saacado ka hor ka dhacay saldhig Ciidanka Booliska Degmada Matabaan.
Qaraxaan ka dhacay matabaan ayaa imaanaya xili maalmo ka hor ay alshabaab qarax xoogan ku burburiyeen saldhigaan islamarkaasna ay in muddo ah Gacanta ku hayeen.
Dhankale Wali Marjirto cid sheegatay Masuuliyadda qaraxa xalay fiidkii ka dhacay Degmada Matabaan.

