Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Djibouti uga qeyb galay munaasabad lagu maamuusayay sanad guuradii 9aad ee aasaaskii machadka Heritage ayaa machadka ku ammaanay kaalintiisa cilmi baarista iyo doodaha wax dhisaya ee khuseeya dalka iyo guud ahaan gobolka.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale uga mahadceliyay madaxweynaha Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle doorkiisa nabadeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya
Ra,iisul wasaare rooble ayaa dalka jabuuti u tagay in uu wax kasoo xiro madashaan islamarkaasna uu qeyb ka qaato hormarin doodaha cilmiga ku dhisan oo ay soo abaabusho machadka hiritej
sidoo kale Raiisul wasaaraha ayaa khudbad halkaasi ka jeediyay ,waxaana uu soo hadal qaaday arimo badan oo ku saabsan marxalada uu dalku ku jiro gaar ahaana arimaha doorashooyinka

