Guddiga Doorashooyinka Oo Sheegay In Dib Udhaca Doorashada Ay Masuul ka Noqonayaan Golaha Wadatashiga Qaran

0

Gudidda Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in wax kasta oo dib u dhaca oo ku yimaada jadwalka doorashada ay masuul ka yihiin golaha wadatashiga qaran

Waxaana guddigu uu sheegay in dhawaan ay soo gabo gabowday Doorashadda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya.

Gudidda ayaa sidoo kale xusay inay dalka ka socoto Doorashada Golaha Shacabka iyadoo doorashadooda la qabtay Kuraas Dhan 24 kursi, kuwaas oo laba ka mid ah la laalay natiijada doorashooda halka kursi kalena natiijada Dacwadiisu  taallo Xafiiska Gudidda Xalinta Khilaafaadka.

Gudidda hirgelinta ayaa ugu baaqday Maamulada Hir-Shabeelle iyo Puntland inay deg deg u bilaabaan doorashada iyagoo Guddiga heer dowlad Goboleed ugu baaqay in ay mudo 48 saacadood ah warbixin kusoo gudbiyaan hanaanka doorashadu halka uu u marayo,iyadoo dhinaca kale gudiddu xustay in wixii dib u dhac doorasho ah ee yimaada ay masuuliyadeedda qaadayaan Golaha Wadatashiga Qaranku.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here