Waxaa maanta maxkamad ku taal dalka mareykanka lasoo taagay nin u dhashay mareykanka oo muwaadin soomaaliyeed ku dilay gudaha dalkaasi.
Ninkaan la maxkamadeeynayo oo lagu Magacaabo Marlow Ramsey Carson ayaa Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka waxaa uu dil ugu geeystay muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay liibaan
Wargeysyada ugu afdheer mareykanka ayaa qoraya in ninkaan maxkamada lasoo taagay uu maxkamada horteeda ka qirtay in uu dilay muwaadinka soomaaliyeed islamarkaasna uu toogtay,
Maxkamada ayaa ku dhawaaqday in ninkaan xabsiga lagu sii hayo inta laga soo saarayo go,aanka xukunkiisa
Waxaana lagu wada in maxkamadu ay ninkaan dilay muwaadinka soomaaliyeed lagu rido xukun ah madaxaa haku furto
Qaar ka mid ah muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku sugan halka manta lagu maxkamadeeynayo ninka dilay muwaadinka soomaaliyeed ayaa dalbaday in ninkaan xukunkiisa lasoo dadajiyo in ay aad usoo dhaweynayaan go,aanka maxkamada islamarkaasna waxa ay sheegen in cadaalada la marsiiyo shaqsi kasta oo dhibaato geysta
Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan kale dalka mareykanka waxa xukuno kala duwan loogu riday askar ka tirsan dowladda mareykanka oo si bareer ah u toogtay muwaadiniin soomaaliyeed oo ku dhaqnaa dalkaasi

