Faah-faahin:-Meydadka Laba Caruur ah oo Lagu Arkay Deegaanka Weedow!

0

 

Wararka ka imaanaya Duleedka Magaaladda muqdisho ayaa ku waramaya in meydadka laba caruur ah oo la dilay saakay laga helay Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, Caruurtaan ayaa la waayay xalay kadib markii dukaan wax loogu dirsaday,waxaana saakay meydadkooda laga helay laamiga Tabeelaha Sheekh Ibraahim.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dilka labadda caruur loogu shakisan yahay adeerka qabay hooyadood,waxayna kala ahaayeen wiil iyo gabar.

Dhanka kale Laamaha amaanka Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay ninka lagu tuhsan yahay in uu ka dambeeyay dilka caruurta.

Xariiro aynu la sameynay maamulka Deegaanka Weedow ee Duleedka Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in dib ay kasoo sheegi doonaan wixii kusoo kordha falkaan lagu dilay labadda caruur.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here