Kooxo hubeysan ayaa waxa ay saacadiihii lasoo Dhaafay Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda waxa ay ku dileen Xaafada Cali Kamiin Ee Degmada Warta Nabada
Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in dilkaan ay geysteen kadibna ay Goobta iskaga baxsadeen.
Al-shabab ayaa sheegtay Mas’uuliyada dilkaan,waxaana ay sheegeen in Askari Dharcad ah oo Ka tirsanaa Ciidamada Dowladda ay ku Dileen Xaafada Calikamiin
Al-Shabaab wararka ay ku baahiyaan dhinaca intermeetka waxa ku sheegteen in Askarigaan Dharcadka ah oo ay Dileen lagu magacaabo Timo Weyne islamarkaasna uu u aha nin si aad looga yaqiinay Degmada
Al-Shabab ayaa warkooda intaasi ku daray in ninkaan uu ahaa mid Dhibaato dadka Shacabka ah
Xubno Katirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa inta badan Weeraro gaadma ah iyo dilal qorsheysan la beegsada Askarta Ciidamada Dowladda

