Ciidamada Amaanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa waxa ay xalay Gacanta ku Dhigeen Koox Burcad ah oo Dhac ka Geysanayay xaafadaha qaar ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Ciidamada Dowladda ayaa soo Bandhigay sadax nin oo burcad ah kuwaasi oo lagu qabtay xaafada Oodweyne ee Degmada Deyniile
Wararka ayaa sheegaya in kooxdan butcada ah ee Ciidamada Dowladdu gacanta ku dhigeen ay ku hubeysnaayeen Bastoolado aan run aheyn oo Caag ah iyo Tooreeyeeyo.
Sidookale Burcadu waxa ay wateen mootada sadaxda lugleh ee Bajajta loo yaqaano
Ragaan ayaa la sheegay in xiliga la qabanayay ay dhac ugeysanayeen dadka shacabka ah ee ku nool xaafada oodweyne islamarkaasna ay ka furanayeen Moobilada iyo Agabyada kale ee ay wataan.
Maalmihii Dambe waxa Xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir kusoo badanayay kooxaha burcada ah ee dhaca iyo dilka ka geysta magaalada Muqdisho
Laamaha Amniga Dowladda ayaa dhankooda Maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgalada ka dhanka ah burcada dhaca ugeysta dadka shacabka ah

