Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay amiir culus oo la xariirta amniga magaalada boosaaso
Waxaana gabi ahaanba la joojiyay gawaaridii gali jirtay magaalada
Wararka ayaa sheegaya Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland ay gadiidka ka celinayaan Degmada carmo oo qiyaastii 100km ku jirta dagmada boosaaso
Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa la sheegay in lagu amray in kaliya ay siidaayaan gawaarida kasoo baxaysa magaalada islamarkaasna aan la ogoleyn in gadiid uu aado dhinac magaalada boosaaso
Sababta gaadiidka loo hakiyay ayaa waxa lagu sheegay in ay tahay in laamaha amniga dowlad goboledka Puntland ay ka cabsi qabaan in xubno taabacsan Saraakiisha PSFta ay soo galaan Magaalada
Wararka ayaa intaasi ku daraya in amarka lagu hakiyay Gaadiidka uu bixiyay madaxweynaha Puntland saciid cabdulaahi dani
Arintaan ayaa kusoo aadeysa xili wali ay magaalada boosaaso ay isku hor fadhiyaan Ciidamada PSFta iyo kuwa Maamulka Puntland ee ka amar qaata madaxweyne Saciid Dani

