Xili muddoyinkii dambe Buuq Xoogan Uu Ka taagnaa arimaha doorashooyinka gaar ahaana deegaanada qaar ee Maamul goboleedyda dalka oo la sheegay in laba magaalo aysan suurtagal ka heyn in doorashada lagu qabto ayaa arintaas waxa laga muujiyay in walaac xoogan iyadoona hogaamiyaasha doorashada loogu baaqay in aysan aqbalin in hal magaalo lagu qabto doorashada
Warar saacadiihii lasoo dhaafay soo ifbaxayay ayaa sheegaya in madaxda Maamul goboleedyda dalka qaar ay damacsanyihiin in hal magaalo ay ku qabtaan doorashada xili arintaas laga digay
Afahayeenka kacdoonka gobolka hiiraan shaafici Maxamed oo la hadlay idaacadda simba ayaa uu sheegay in Magaalada baladweyne ay u diyaarsan tahay in lagu qabto doorashada golaha shacabka isagoo intaas ku daray in aysan marnaba aqbalayn in baladweyne laga weeciyo doorashada
Afahayeenka kacdoonka hiiraan ayaa sheegay in amniga magaalada uu yahay mid aad u wanaagsan islamarkaasna aysan jirin wax sabab ah oo looga gabado ama lagu diido in doorashadu ka dhacdo
Waxaana uu sheegay in kacdoon uu qaadayo talaabo hadii Baladweyne laga wareejiyo doorashada
Doorashada Aqalka Hoose ee dalka kasocota ayaa ah mid haatan si xowli ah kusocota iyadoona wali Magaalooyinka Shakiga xoogan laga qabay in doorashada lagu qabanayo aan wali wax doorashada ah ka bilaaban si Baladweyne iyo Garbahaarey

