Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya Oo La Kulamay Wafdi ka socday jarmalka

0

Wafdi balaaran oo ka yimid dowladda dalka  jarmalka islamrkaasna ku sugan magaalada muqdisho ayaa xalay kulamo kala duwan la yeeshay masuuliyiin ka tirsan dowladda dhexe ee dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa xalay Caasimadda Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka oo ka koobnaa Madaxa Qeybta Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Dr. Thorsten Hutter, oo uu wehelinayay Madaxa Qeybta Bariga Afrika ee Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta, Mudane Marcus von Essen.

Wasiirka iyo Wafdiga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dheef wadaagga ah ee ka dhexeeya labada dal ee dhinacyada iskaashiga, ka wada-shaqaynta amniga, horumarinta iyo maalgashiga, sidoo kale waxaana intii uu kulanku socday lagu lafo-guray xaaladaha guud ee Gobolka Geeska Afrika, geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka iyo la dagaallanka burcad badeedda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here