Dowladaha Iiran iyo Soomaliya oo Heshiis kuwada Gaaray Magaalada Tehran ee Wadanka Iiraan

0

Dowladaha wadamada Iiraan iyo Soomaliya ayaa kala saxiixday heshiis dhanka cunadaha oo lagu caawin doono wadanka soomaliya

Kulan ka dhacay Magaalada Tahran ee Wadanka iiraan waxaa kasoo qeyb Galay labo Hay’adood oo u qaabilsan Qaramada Midoobe dhanka Cunada kuwasoo heshiiska sidoo kale qeyb ka ahaa

Madaxa Hay’ada Bisha cas ee Wadanka Iiraan Mohsen Ziaee ayaa sheegay in dowladaha soomaliya iyo iiraan ay kala saxiixdeen heshiiska soomaliya loogu caawinaayo dhanka Raashinka

Mohsen Ziaee yaa sidoo kale sheegay in dowlado kale oo Africa ku yaala in laga caawin doono dhanka Cunada ayna kamid yihiin dowladaha Kenya, Ethopia, iyo Jabouti kuwasoo inta  badan u baahan caawinaad dhanka Cunada ah

Dowlada soomaliya ayaa dhawaan ka digtay in dalka soomaliya ay ku dhuftaan Fatahaado iyo abaaro iyadoona Caawinaad ah u jeedisay wadamada caalamka

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here