Dowladaha wadamada Iiraan iyo Soomaliya ayaa kala saxiixday heshiis dhanka cunadaha oo lagu caawin doono wadanka soomaliya
Kulan ka dhacay Magaalada Tahran ee Wadanka iiraan waxaa kasoo qeyb Galay labo Hay’adood oo u qaabilsan Qaramada Midoobe dhanka Cunada kuwasoo heshiiska sidoo kale qeyb ka ahaa
Madaxa Hay’ada Bisha cas ee Wadanka Iiraan Mohsen Ziaee ayaa sheegay in dowladaha soomaliya iyo iiraan ay kala saxiixdeen heshiiska soomaliya loogu caawinaayo dhanka Raashinka
Mohsen Ziaee yaa sidoo kale sheegay in dowlado kale oo Africa ku yaala in laga caawin doono dhanka Cunada ayna kamid yihiin dowladaha Kenya, Ethopia, iyo Jabouti kuwasoo inta badan u baahan caawinaad dhanka Cunada ah
Dowlada soomaliya ayaa dhawaan ka digtay in dalka soomaliya ay ku dhuftaan Fatahaado iyo abaaro iyadoona Caawinaad ah u jeedisay wadamada caalamka

