Faahfaahino:- Weerar Bam Gacmeed Ah Oo Dhacay Degmada Baraawe

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Weerar xoogan oo xalay Ka Dhacay Gudaha Degmada Baraawe Ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Rag hubeysan oo aan heybtooda la Garayn ayaa la sheegay in weerarkaan ay ka Fuliyeen Degmada Kadibna ay baxsadeen

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaan oo Bambo Gacmeed loo adeegsaday lagu qaaday Guri oo Degmada Baraawe ka Daganaa Guddoomiyihii hore Degmada Baraawe ee Dhawaan Xilka wareejiyay,Iyadoona la sheegay in laa iyo haatan aan la garanayn sababta rasmiga ah ee loo beegsaday hoyga Guddimiyaha.

Masuulka la weeraray oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in wax qasaaro ah uusan ka dhalan weerarka islamarkaasna ay nabad qabaan isaga iyo ilaaladiisa

Ciidamada Amaanka Degmada baraawe ayaa sameeyay howlgallo kala duwan oo ay ku sugayaan Amaanka Degmada

Degmada Baraawe ayaa ka mid ah goobaha loo asteeyay in ka dhacdo doorashada Gollaha Shacabka walow ay haatan wajaheyso marka qaar falal amni daro 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here