Guddiga maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT) ayaa Shaaciyay in maanta oo sabti ah ay qabanayaan 3 kursi oo kamid ah kuraasta Gollaha Shacabka oo tirsigoodu yahay HOP#182, HOP#170, iyo HOP#171:
Kuraastaan ayaa noqonaya kuwii ugu horeyay oo ay qabtaan maamulka koonfur Galbeed
Xubnaha ku tartamaya doorashada maanta ka dhaceysa Beydhabo ayaa waxa ka mid ah guddoomiyaha Golaha Shacabka ee waqtigiisu dhamaaday Maxamed Mursal Sheikh Abdirahman
Waxa jira cabashooyin xoogan oo lagu muujinayo Doorashada Aqalka Hoose Ee maanta Ka Bilaabaneysa beydhabo iyadoona la sheegayo in qaar ka mid musharaxiinta loo diiday shahaadada musharaxnimo
Musharaxiinta cabashadaas qaba waxa ka mid ah Guddoomiyihii hore Ee Golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari
Dhankale Doorashada Kursi Lagu Muransanyahay ayaa lagu wada in maanta ay ka dhacdo Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug

