Doorashada kuraas Ka Mid ah Golaha Shacabka Oo Maanta ka Dhaceysa Dhuusa-Mareeb

0

Waxaa maanta Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Caasimada Maamulka ka Dhaceysa Doorashada laba Kursi oo Ka  mid ah kuraasta uu ku leeyahay Maamulka Galmudug

Guddiga Doorashooyinka Galmudug ayaa Shaaciyay Doorashada labadaan kursi oo sumadoodu tahay  hop026 iyo hop104

Waxaana uu sheegay guddigu in labadaan kursi doorashadooda ay so horiyeen islamarkaasna si toos ay uqabanayaan Xubnaha kale ka harsan xildhibaanada aqalka hoose kasoo galaya Deegaanada Galmudug

Musharaxiinta ayaa marka hore Qudbadahooda ka Horjeedinaya Xildhibaanada Barlamaanka Maamulka Galmudug iyadoona intaasi Kadib Cod Lagu kala reebayo Musharaxiinta oo qaar ay harayaan Qaarna ay soo bixi doonan

Doorashada Aqalka Hoose Ee dalka ayaa si dardarleh haatan kusocota iyadoo dhalay Magaalada Muqdisho lagu doortay shan xildhibaan oo Ka tirsan Gobolada Waqooyi kuwaasi oo ka mid noqonaya Golaha Shacabka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here