Waxaa maanta Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Caasimada Maamulka ka Dhaceysa Doorashada laba Kursi oo Ka mid ah kuraasta uu ku leeyahay Maamulka Galmudug
Guddiga Doorashooyinka Galmudug ayaa Shaaciyay Doorashada labadaan kursi oo sumadoodu tahay hop026 iyo hop104
Waxaana uu sheegay guddigu in labadaan kursi doorashadooda ay so horiyeen islamarkaasna si toos ay uqabanayaan Xubnaha kale ka harsan xildhibaanada aqalka hoose kasoo galaya Deegaanada Galmudug
Musharaxiinta ayaa marka hore Qudbadahooda ka Horjeedinaya Xildhibaanada Barlamaanka Maamulka Galmudug iyadoona intaasi Kadib Cod Lagu kala reebayo Musharaxiinta oo qaar ay harayaan Qaarna ay soo bixi doonan
Doorashada Aqalka Hoose Ee dalka ayaa si dardarleh haatan kusocota iyadoo dhalay Magaalada Muqdisho lagu doortay shan xildhibaan oo Ka tirsan Gobolada Waqooyi kuwaasi oo ka mid noqonaya Golaha Shacabka

