Madaxweynaha Hirshabeele Oo Safiirka Ingiriiska  Kala Hadlay Hirgalinta Mashaariicda hormarineed

0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire Kate Foster.

Madaxweynaha iyo Danjire Foster ayaa ka wada hadlay mashaariicda Dowlada Ingiriiska ugu tala gashay deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan dhismaha xarumaha madaxtooyada, baarlamaanka iyo airportyada.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay muhiimada ay leedahay hirgalinta golaha deegaanka ee degmooyinka oo waxtar badan u leh bulshada.

Wararka ayaa kulanka laga helayo ayaa sheegaya in laisku soo hadal qaaday arimaha doorashooyinka Amniga iyo Abaaraha

Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Sidookale Dowladda Ingiriiska uga warbixiyay xaalada abaaraha kasii daraya ee dalka ka jira kuwaas loo uu sheegay in loo baahanyahay in gurmad degdeg ah

Ugu Dambeeyn Labada Dhinac ayaa isla qaatay in la dadajiyo Hirgalinta Mashaaric hormarineed ee Dowladda in giriisku ka fulinayo deegaanada Maamulka Hirshabeele

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here