Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Safar Gaaban Ku Tagaya Qardho

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Dani ayaa waxa lagu wadaa in maanta uu safar deg deg ah ku tago Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar

Ujeedka Madaxweyne Dani utagayo Qardho ayaa ah in maanta uu halkaasi tababar ugu soo xirayo Cutubyo Cusub oo ka mid noqonaya Ciidanka Dowlad Goboleedka Puntland kuwaasi oo in muddo ah tababar ku qaatay Xerada xorgoble ee Guddaha Magaalada Qardho

Masuuliyiin ka tirsan Puntland oo Dhinaca Tayenta Ciidanka qaabisa  ayaa madaxweyne Dani kaga sii horeyay  Qardho kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Iyo Kan Maaliyadda Xukuumadda Puntland

Munaasabada Ciidankan tababar loogu xiraya ayaa si weyn haatan diyaagarowgeedu uga socda Qardho

Waxaana la filaya in madaxweynayaasha Puntland Saciid Cabdulaahi Dani uu ka qeyb galo munaasabadaas islamarkaasna uu Ciidanka cusub ujeediyo dardaaran ku aadan gudasha wajibaadka qaran ee saaran

Maamulka Puntland ayaa muddoyinkii dambe waday qorsheyaal dhowr ah oo lagu Tayenayo Ciidanka

Waxaana ay soo saareen dhowr dufcadood oo ka mid noqonaya Ciidanka Dowlad Goboleedka Puntland kuwaasi oo tababar Heer sare ah lasiiyay

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here