Faahfaahino:- Dad Gaajo iyo Haraad Ugu Dhintay Koonfurta Soomaaliya

0

Waxaa mar marka kasii dambeysa ka siiraysa abaarta iyo Biyo La,aanta Ka Jirta Gobolada Dalka

Waxaana taasi ay sababtay in haatan dad xoola dhaqto ahaa oo abaartu ay saameysan ay Oon iyo gaajo Udhimanayaan

Warar ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa waxa ay kusoo waramayaan in Sadax qof ay oon iyo Gaajo ugu geeriyoodeen Deegaano Hoostaga Degmada Luuq ee Gobolkaasi Gedo

Waxaana la sheegay in dadkani Gaajada iyo haraadka u dhintay ay laba ka mid caruur ahaayeen

Maamulka Gobolka Gedo ayaa Geeridaan xaqiijiyay

Waxaana ay sheegeen in dadka geeriyooday ay rabeen in baad iyo biyo ay usoo raadsadaan Degmada luuq balse inta aysan soo gaarin ay oon iyo gaajo u dhinteen

Maamulka ayaa Sidookale sheegay in deegaano badan oo ka tirsan Degmooyinka Garbahaarey iyo Luuq ay si aad ah baartu ugu dhifatay islamarkaasna hada dhibaatada ugu ba,aan laga soo sheegayo

Abaaraha dalka ka jira ayaa sii xoogeysanaya iyadoona abaartu ay baabi isay xoolihii haatana dadkii ay la,ayihiin cunto iyo biyo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here