Ciidamada Dowladda Howlgalo Culus Ka Fuliyay Gobolka Gedo

0

Ciidamada Dowladda Gaar ahaan kuwa sida gaar ka ah utababaran ee duufaan ayaa saacadiihii lasoo dhaafay Howlgalo balaaran ka fuliyay Degaano hoostaga Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo

Howlgaladaan ayaa waxa lagu sheegay in ujeedkoodu ahaa xaqiijinta amaanka deegaan dhaca Gobolka Gedo iyadoona si gaar ah la tilmaamay in howlgalka loogu beegsaday Deegaano inta badan lagu arko dagaalamayaasha Al-Shabaab

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Howlgaladaan hogaaminyay ayaa waxa ay sheegeen Howlgaladaan ay ahayeen kuwa ka dhan ah Alshabaab islamarkaasna wadooyinka looga saaray miinooyinka ay ku aaaseen

Waxaana ay sheegeen in howlgalada ay sii wada doonan in laga xaqiijinayo amaan islamarkaasna alshabaab ay laga saarayo  deegaana dhaca gobolka gedo

Maalmihii lasoo dhaafay Ciidamada Dowladda ayaa howlgalo isdaba joog ah ka waday Gobolka Gedo Deegaano Ka Tirsan Howlgaladaasi oo amni xaqiijin ahaa

Iyagoona guulo dhowr ah ka sheegtay Howlgalada qaar oo dad lagu soo qabqabtay kuwaasi oo lagu tuhmayo in ay ka tirsanyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here