Ra’isul wasaaraha XFS mudane maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid agaasimihii Radio Muqdisho, C/caziz Maxamuud Guuleed Afrika oo xalay qarax ismaadaamin ah lagu la eegtay muqdisho.
Ra’isulwasaaraha XFS mudane maxamed Xuseen Rooble ayaa yiri :” Allaha u naxariisto Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ku geeriyooday qaraxii alshababaku la beegsadeen.Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, bahweynta saxaafadda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed”.
Ra’isulwasaaraha XFS ayaa ku daray hadalkiisa in uu ahaa Cabdicasiis saxafi howlkar ah iyo halyey qaran oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba ugu soo shaqeeyay si geesinimo iyo hagar la’aan ah.
Naxariistii janno Allaha ugu deeqo annagana samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo.
Waxaan dhaawacyada Allaah uga baryayaa in uu deg deg u bosiiyo.
Dhanka kale masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ka tacsiyadeeyay Geerida marxuunka iyagoona dhaleeceeyay Falkaasi
Inaa lilaahi Wa inaa Ileyhi Raajicuun,
Wasiirka Warfaafinta, Wasiirku Xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Wasaaradda Iyo Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska JFS Waxay Tacsi Tiiraanyo leh Udirayaan Qoyska, Qaraabada Iyo Qaranka Soomaaliyeed Geeridii Naxdinta Lahayd ee Caawa ku timid Agaasimihii Radio Mogadishu Abdiaziz Maxamuud Guuleed (afrika) oo u geeriyooday dhaawac xalay kasoo gaaray qarax ka dhacay Muqdisho oo uu Gaystay Qof Naftiis hure ah.
Allah ha unaxariisto Janadii fardowsana allah haka waraabiyo Amiin

