Akhriso:-Al-Shabaab oo Hal Sabab u Dilay AUN Wariye Abdiaziz Afrika

0

Xarakadda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay weerar  caawa ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo lagu dilay agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Casiis Maxamed Guuleed Africa.

Bayaan uu ku saxiixnaa Afhayeenka dhanka Howlgaladda shabaab Abuu Muscab ayaa lagu sheegay in shabaab ay ka dambeeyeen Dilka afrika.

“Shabaab waxay caawa fiidkii fuliyeen weerar ka dhacay Magaalada Muqdisho. Weerarkaas oo ahaa camaliyad ishtish-haadi ah ayey la beegsadeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay Cabdi Casiis Afrika” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Cabdi Casiis Afrika ayaa in muddo ah waxaa ku raad joogay Shabaab isagoo loo haystay dambiyo dhawr ah oo uu ka galay Islaamka, iyo inuu ku lug lahaa dilal loo gaystay rag Shabaab ah.

Bayaanka oo sii socda ayaa lagu yiri: Shabaab ayaa Ilaahay mahadiis ugu dambeyn caawa soo afjaray nolosha Cabdi Casiis Afrika, waxaana dilkiisu uu aargud u yahay dhamaan raggii Shabaab ahaa ee uu ka dambeeyay ama ku lug lahaa dilkooda, raggaas oo uu kamid ahaa Xassan Xanafi Xaaji”.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here