Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil kooxo hubeysan xalay Fiidkii ay Nabadoon Soomaaliyeed
Rag tiro ahaan lagu sheegay ilaa iyo laba rag ah oo bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in Nabadoon Maxamed xasan Nuur muse ay ku dileen xaafada juungal ee Degmada yaaqshiid
Wararka ayaa sheegaya in ragaan ay nabadoonka ku dhex dileen Guriisa oo yaal Suuga suuqa xaafda Juungal
Xiliga marxuunka la dilayay ayaa waxa la sheegay in uu aqrisanayay Kitaabka qur,aanka kariimka ah
Dilka kadib ragii ka dambeeyay dilka Nabadoonka ayaa goobta iskaga baxsaday
Waxaana daqiiqadon kadib halka uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda kuwaasi oo meydka Marxuunka uqaaday dhanka xarunta cid
Maalmihii ugu dambeeyay waxa magaalada Muqdisho kusoo badanayay dilalka qorsheysan oo ay geysanayaan Rag hubeysan oo aan heybtooda la garanayn iyo xubno tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab

