Ciidamada Dowladda Oo Habeenkii Saddaxaad Howlgalo Balaaran Sameeyay Muqdisho

0

Ciidamada Booliiska ee Gobolkani ayaa xalay markii sadaxaad oo xariir ah howlgalo wadajir ah ka fuliyay xaafada qaar ee Magaalada Muqdisho

Howlgaladaan ayaa ciidamadu waxa ay xalay si gaar ah uga sameeyewn Xaafadaha Degmooyinka Shangaani, Boondheere,Hodan iyo Wadada Dheer ee Maka Al-mukarama

Ujeedka howlgalkan ayaa waxa lagu sheegay in uu yahay xaqiijinta Amaanka iyo la hortagida falalka amnidaro

Sidookale Saraakiisha Ciidamadda Dowladda ayaa sheegay in howlgaladaan yihiin kuwa ka dhan ah kooxaha xiliyada habeenkii ah dhaca ka geysta Xaafadaha  Magaalada Muqdisho

Intii uu howlgalku socday ayaa waxa lagu soo qabqabtay dad aan ufarbadan kuwaasi oo dhalinyaro ubadnaa

Xalay waxa howlgalka uga qeyb qaatay xalay Ciidamada booliska guur guur ee sida gaar ah utababaran

Howlgaladaan ayaa waxa la sheegay in ay sii socondoonan inta amniga Caasiamada Laga xaqiijinayo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here