Ciidamada Booliiska ee Gobolkani ayaa xalay markii sadaxaad oo xariir ah howlgalo wadajir ah ka fuliyay xaafada qaar ee Magaalada Muqdisho
Howlgaladaan ayaa ciidamadu waxa ay xalay si gaar ah uga sameeyewn Xaafadaha Degmooyinka Shangaani, Boondheere,Hodan iyo Wadada Dheer ee Maka Al-mukarama
Ujeedka howlgalkan ayaa waxa lagu sheegay in uu yahay xaqiijinta Amaanka iyo la hortagida falalka amnidaro
Sidookale Saraakiisha Ciidamadda Dowladda ayaa sheegay in howlgaladaan yihiin kuwa ka dhan ah kooxaha xiliyada habeenkii ah dhaca ka geysta Xaafadaha Magaalada Muqdisho
Intii uu howlgalku socday ayaa waxa lagu soo qabqabtay dad aan ufarbadan kuwaasi oo dhalinyaro ubadnaa
Xalay waxa howlgalka uga qeyb qaatay xalay Ciidamada booliska guur guur ee sida gaar ah utababaran
Howlgaladaan ayaa waxa la sheegay in ay sii socondoonan inta amniga Caasiamada Laga xaqiijinayo

