Doorashada Kuraas Kamid ah Golaha Shacabka Oo Ka Bilaabanaysa Jowhar

0

Waxaa lagu wadaa in maalmalaha soo socda si rasmi ah ay magaalada jowhar ee Caasimada Maamulka Hirshabeele uga bilaabato Doorashada 3 kursi oo ka mid ah xildhibaanada aqalka hoose uu ku leeyahay Maamulka Hirshabeele

Guddiga Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Hirshabeele ayaa lagu wadaa in ay soo saaraan jadwalka doorashada golaha shacabka oo la filayo inay ka bilaabato jowhar

Maamulka Hirshabeele ayaa waxa la sheegay in uu noqonayo Maamulkii labaad ee doorashada golaha shacabka kuraas ka mid ah qabta kadib bilaabidii  gobalaha ee xildhibaanada Gobolada waqooyi ay ka bilaabeen magaalada Muqdisho

Guddiyada doorashooyinka heer faderaal ayaa lagu wadaan in dhankooda saacadaha soo socda ay gaaraan Magaalada Jowhar si ay korjoog uga noqdaan Doorashadaan

Doorashada kuraasta golaha shacabka ee ka bilaabaneysa jowhar ayaa la sheegay in ay tahay mid adag oo shabeelaha dhexe xildhibaano ka imaanaya ay ku tartamayaan

Beesha Caalamka iyo Hogaamiyaasha doorashada dalku ay ku baaqayeen Maamul hoboleedyada dalku dada jiyaan doorashada aqalka hoose oo waqtigeeda dib uga dhacday

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here