Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare kala duwan geystay oo ka dhacay degmada baardheere ee gobolka gedo
Wararka ayaa sheegaya in qaraxani uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda xilli ay tababar ku jireen
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa xaqiijiyay in qaraxaan uu ka dhacay gudaha Saldhig ciidamada lagu tababaro oo kuyaal Degmada baardheere
Waxaana ay sheegeen in haatan ay wadaan baaritaano dheeriya oo ay ku ogaaanayaan qaabka xeerada ama saldhig miinada loogu aasay
Khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in qaraxaan uu ka dhashay
Inta la xaqiijiyay 2 askari ayaa ku dhaawacantay qarax iyadoona mid ka mid ah labadaasi askari oo dhawiciisu cuslaa la sheegay in saaka uu geeriyooday
Ciidamada Dowladda ee qaraxa lala eegtay ayaa waxa la sheegay in ay ahaayeen kuwa cusub oo loo tababarayay howlgalo ka dhanka ah Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ka soconaya gobolka gedo
Muddoyinkii ugu dambeeyay waxa deegaanada dhaca Gobolka Gedo kasoconayay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo maadaama loo diyaargarobayo doorashada golaha shacabka oo dhawaan dalka ka bilaabatay

