Wararka aan ka helano deegaano dhaca Gobolka jubbada hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in abaarta ku dhufatay deegaanadaasi ay xaaladeedu haatan kaasi dareyso oo dadka ay abaartii xoolihii ka leysay iyagana aysan heysan wax ay cunaan iyo wax ay cabaan intaba
Hal cunug oo yar ayaa la sheegay in abaarta ka jirta darteen uu u geeriyooday
Waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in ay muddoyinkii dambe ku noolaayeen haanaha xaalaha iyagina haatan la waayay oo ay noloshoodu khatar badan ku jirto
Arinta ugu daran ayaa waxa la sheegay inay biyo la,aan
Waxaana dadku ay u dhimanayaan oon haraad iyo gaajo
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dadkani ubaahanyihiin in gurmad degdeg ah lala soo gaaro,hadii kale ay baaba,aayaan gaajo darteed
Waxa uu intaasi ku daray in hada ay ugu darantahy biyo la,aanta

