Faahfaahino :- Weeraro Culus Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka Tirsan Amisom

0

Weeraro xoogan oo khasaare Geystay ayaa waxa lagu sooa waramayaan in saacadihii lasoo dhaafay lala beegsaday saldhigyo Ciidamada Amisom gaar ahaana kuwa kenya iyo yugaandha ay ku la haayeen Gobolada shabeelaha hoose iyo jubbada hoose

Weerarka koowaad waxa uu la sheegay in uu ahaa mid dagaal toos ah oo lagu qaaday saldhig ciidamada  Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Cabdalla biroole ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Ilo deegaanka ah ayaa waxa sh3egeen in ay maqlayeen dhawaqa rassaasta iyo madaafiicda la is dhaafsanayay dagaalka

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Weerarkaan  waxaana ay sheegeen in khasaare lixaad leh lagu soo gaarsiiyay ciidamada Kenya weerarkaani.

weerarka kale oo ahaa mid culus ayaa waxa lagu qaaday Saldhig ciidamada yugaandha ku lahaayeen deegaanka Buurcolow ee duleedka degmada Baraawe.

Iska hor’imaad xaagan oo u dhaxeeyay  shabaab  iyo ciidamada Uganda ayaa saldhiggaas ka dhacay

Waxaana la tilmaamay in khasaare kala duwan uu ka dhashay Weerarkaani

<span;>Al-Shabaab wararka ay dhinnaca intarneetka ku baahiyaan Waxaa ay ku sheegteen in khasaare nafeed iyo mid hantiyeed ay ku gaarsiiyeen ciidamada Yugaandha
<span;>Walow aysan si rasmi ah tirada qasaaraha usheegin

<span;>Weerarkaan ayaa imaanaya xili dhawaan la filayo in degmada baraawe ay ka bilaabato Doorashada Aqalka Hoose ee barlamaanka Soomaaliya islamarkaasna ay halkaasi ka socdeen howlgalo amniga lagu xaqiijinayo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here