Waxaa Maanta Lagu Wadaa in Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee Icj in ay ku dhawaaqdo Go,aanka kama dambeysta ah ee kiiska dacwada badda ee Soomaaliya iyo kenya
Dacwadaan ayaa waxa ay soo jiitamaysay muddo ku dhaw 8 sano
Waxaana laga dhursuga maanta go,aaanka maxkamada oo horay loo shaaciyay in 12 October oo maanta ah lagu dhawaaqayo
Kenya ayaa muran galisay qeybo ka mid ah biyaha Soomaaliya iyadoona Soomaaliya ay ugudbisay maxkamada cadaalada adduunka ee icj Sanadkii 2014
Muranka ugu weyn ee laisku hayo waxa uu yahay in bada marla la cabirayo oo cabiro sitoosan oo Soomaaliya ay rabto halka kenya ay doonayso in si qalooc ku jiro loo cabito
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulleymaan Maxamed Maxamuud oo ka mid ah Waftiga uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka JFS mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ku sugan Hague Goobjoog na u noqon doona Go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Aduunka (ICJ) maanra ay kasoo saarayso kiiska Dacwadda badda ee u dhaxaysay Soomaaliya Iyo Kenya, ayaa sheegay inuu aad ugu rajo wayn yahay inay Soomaaliya Guulaysan doonto.
“Waxaan ku niyad samahay in àan guulaysanayno haddii alle idmo” ayuu yidhi Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulleymaan Maxamed Maxamuud

