Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Kulan Ku Yeeshay Kismaayo

0

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Talyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa iyo saraakiil uu hogaaminayo oo galinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka jubbaland .

Kulanka labada Masuul ayaa waxa ay uga wada hadleen arimo badan oo ku saabsan xaalada amni ee deegaanada jubbaland

Si gaar ah waxa ay uga wada hadleen howgalada ciidamada Dowladda iyo kuwa Daraawiishta jubbaland ka wadaan deegaanada jubbaland

Sidookale inta uu  kulanka socday ayaa waxa uu madaxweynaha jubbaland Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka uu kala hadlay sidii ay xuquuqdooda u heli lahayeen ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka jubbaland oo in mudo ah cabasho ka ahaa in Dowladda aysan si joigta ah mushaarkooda uga helin

Kulankaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili horay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu utagay magaalada Kismaayo islamarkaasna madaxweyne Axmed madoobe uu ka dalbaday in ciidanka jubbaland xuquuqdooda la siiyo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here