War kasoo baxay alshabaab ayaa waxa ay ku sheegteen in weerar ay ka fuliyeen deegaanno dhaca xadbeenaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya in ay ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada difaaca dowladda Kenya ee qaybta ka ah Ciidamada Amisom.
Al-Shabaab War ay ku baahiyeen dhinaca barahooda intarneetka waxa ay ku sheeggeen in Weerarka uu ka dhacay xero ciidan oo ka taal deegaanka Shangaani oo ka mid ah deegaanada dhaca soohdin beenaadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya waxaana weerarkaas lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada millatariga dowladda fadhidheedu yahay Nayroobi.
Sidookale waxa ay sheegeen in askariga ay toogashada ku dileen uu difaac kaga jiray xerada ciidamada Kenya ay ka samaysteen deegaanka Shangaani waxaana alshabaaab ay intaasi ku dareen in toogashada ka dib ay xerada soo caga dhigatay diyaarad nooca kuwa qumaatiga u kaca taas oo goobta ka qaaday maydka askariga Kenyaanka ah.
Alshabaab ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale guulo uga sheegtay weeraro lagu ciidamo ka tirsan kenya

