Mooshin Laga Wado Waxka Badalkii Xeer Hoosaadka Barlamaanka Puntland

0

Warar lagu kalsoonankaro ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaano ka tirsan barlamaanka Maamulka Puntland ay wadaan mooshin ay doonayaan inay ku burburiyaan wax ka badalkii dhawaan lagu sameeyay xeer hoosaadka barlamaanka Puntland

Xildhibaanadaan oo diiday in magacyadooda la xigto ayaa waxa ay sheegeen in ay gudbinayaan qarar ay ku diiidanyihiin waxkabadka xeerhoosaayada barlamaanka Puntland oo kalfadhigii ugu dambeeyay xildhibaanadu ansixiyeen

Kalfadhiga soo socda ee barlamaanka Puntland ayaa waxa lagu wadaa in uu furmo 25 ka bishaan Walow xildhibaanada mooshinka ka wada wax ka badalkii xeer hooska barlamaanka Puntland lagu sameeyay ay sheegeen in Madaxweyne saciid cabdulaahi dani uu damacsanyahay in furitaanka kalfidhiga lagu daro hal maalin maalinta lagu balansanyahay

Wararka ayaa sheegaya in qodobada wax ka badalka lagu sameeyay ay yihiin kuwa muran xoogan uu ka dhashay islamarkaasna ay ka biyadiideen xildhibaanadu
Haatana ay wadaan mooshin ay ku diidanyihiin

Qodobada ay aad udiidan yihiin waxa kamid in gudoonka iyo xildhibaanada barlamaanka lagu ridi karo 44 cod

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here