Waxa xalay magalada muqdisho shir ugu qabsoomay midowga musharixiinta kaas oo ay ugu hadleen arimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladaha guud ee dalka sida dardargalinta doorshada aqalka sare oo hada mareyso meel gabo gabo ah iyo tan golaha shacab oo goordhaw laguda galayo.
Shirkaan oo ay intooda badan ay soo xaadireen musharixiinta ayaa waxa shir guddoominayay madaxweynayaashii hore ee dalka xasan shikh maxamuud iyo shiikh shariif shiikh ahmed
Waxaaana shirka ay midowga musharaxiintu diirada ku saareen arimo ay ka mid yihiin dagaalada hada ka soo cusboonaaday deegano ka tirsan mamulka galmudug una dhaxeeya kooxda Ahlusuna iyo Maamulka Galmudug oo garabsaya ciidamada Dowladda
Shirka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa kaloo lagu soo hadal qaaday raafka ay maamulka somaliland ku sameeyeen inka badan 700 qofood oo intooda badan ay ahaayeen caruur iyo haween kuna dhaqnaa magalada laascaanood ee gobolka sool kana soo jeday koonfurta Soomaaliya
Waxaana ay midowga musharixiintu ku baaqeen in Dadkaasi masaakiinta ah la gaarsiiyo deeqo iyo Wax ay hooy ka dhigtaan
Dhinaca kalena warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamayay in midowga mushatixiinta uu kulankooda Ujeedkiisa Ugu weyn uu ahaa in xilkii uu u hayay madaxweynahii hore ee dowladii ku meel gaar ka ah shiikh shariif shiikh ahmed mid uu ku dal banayay in laga badalo oo midowga musharaxiintu hogaan cusub ay doortaan

