Al-Shabaab Oo  Laba Nin Ku Toogtay Jubbada Hoose

0

Warar aan ka helano Gobolka Jubbada Hoose  ayaa waxa ay kusoo waramayaan in Al-Shabaab ay Goob Fagaaro ah oo ku taal degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ay toogteen laba qofood.

Maxkamada Al-Shabaab ayaa Waxa la sheegay labada qof oo rag ahaa ay  xukunno dil ah ku ridday islamarkaasna xukunkaasi dilka ah shalay galinkii dambe lagu fuliyay

Alshabaab ayaa ka warbixyay wax yaabaha lagu soo eedeeyay labadaan nin iyo magacyadooda

Raga la toogtay waxa ka mid ahaa nin lagu magacaabi jiray Cabdullahi Xasan Cumar oo 59 sana jir ah kaasi oo alshabaab ay ku eedeyeen in uu Sixirka ku shaqeysan jiray kuna dhibaateyn jiray bulshada.

Eedaysanaha labaad ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Max’med Mowliid Aadan oo 48 sana jir ah, ninkan ayay Al-Shabaab sheegeen isagoo katirsan ciidamada booliska maamulka ‘Jubbaland’ lagu qabtay deegaanka Janaay Cabdalle ee duleedka magaalada Kismaayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here