Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kulamo La Yeeshay Madaxda Dalka Qatar

0

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada dooxa ee wadanka qadar ayaa waxa uu halkaasi ka wadaa kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo madaxda dalkaasi Qadar

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxa uu kulamo la qaatay<span;> Amiirka  Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheekh Khaalid Bin Khalifa Al-Thani  iyo Mas’uuliyiin kale

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Amiirka qadar ayaa waxa ay uga wada hadleen arimo badan oo ku sabasan xaalada siyaasadeed ee soomaaliya gaar ahaan arimaha doorashooyinka iyo khilaafyada jira

Waxaana Ra’iisul Wasaarahu la sheegay in dhankiisa uu la wadaagay Amiirka qadar xaalada dalka iyo sida ay usocdaan arimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxa uu Dowladda qadar uga mahadceliyay garab istaageeda soomaaliya  gaar ahaana ka caawinta mashaariicda hormarineed ee dhismaha wadooyinka

Sidookale Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay isaga iyo Dhiggiisa Qatar waxa ay wada jir u guddoomiyay kulan xubnaha Wasiirrada  kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga wasaaradaha labada dal.

Waxaana la tilmaamay in Ra’iisul Wasaare uu sii wadi doono kulamadiisaan oo uu ku doonayo in soomaaliya looga taageero dhinaca dhaqaalaha lagu qabanayo doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka ka dhex jira madaxda dalka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here