Abaar Ba,an Oo Ku Dhufatay  Deegaano Ka tirsan Jubbada Hoose

0

Warar aan ka helayno Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in Abaar daran ay ka jirto deegaano hoosta gobolkaasi Jubbada Hoose

Deegaanada ay abaartu ku dhufatay waxa ka mid ah Deegaanka kulbiyow oo dhaca gobolka jubbada hoose

Dadka deegaanka ayaa waxa la sheegay in haatan ay lasoo daristay xaalad nolol xumo
Waxaana deegaan ka jirta biya la.aan baahsan

Waxaa intaasi dheer in deegaanku uu ku jiro Go.odoon ay galiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab

Mana jiro waxa Gargaar dowladeed ah oo la gaarsiiyay ama la gaarsiin karo

Maamulka Deegaanka kulbiyo oo hadlay idaacada simba ayaa waxa uu Faafaahin ka bixiyay
Waxaana uu sheegay in abaar xoogan ay deegaanka ku dhufatay islamarkaasna ay saameyn ku yeelatay dadka ku dhaqan deegaanka kulbiyow iyo deegaanada u dhaw dhawba

Maamulka Deegaanka Kulbiyow ayaa waxa uu sheegay in deegaan gurmad laga soo gaarsiinkaro hal dhinac oo kaliya halkaas oo ah dhanka kenya

Isagoo xusay in deegaanka ay ka dilaaceen cuduro fara badan oo ka dhashay abaarta go,odoonka Al-Shabaabna uu u dheeryahay

Dhibaatada ugu daran ee hada deegaanka ka jirta ayuu ku sheegay in ay tahay biya la.aanta

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here