Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Doxa ee dalka Qadar Halkaasi oo la sheegay in uu ka bilaabay Kulamo doceedyo
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulamo kala duwan la qaadanaya masuuliyiinta ugu sareysa dalkaasi Qadar oo uu casuumaad Rasmi ah ka helay
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa la tilmaamay in kulamo uu la qaadan doono dhigiisa Wadanka Qadar oo ay ka wada hadliyaan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, arrimaha doorashooyinka ee Soomaaliya iyo horumarka kale ee ay ku talaabsatay dowladda Soomaaliya.
Sidookale warar lagu kalsoonankaro ayaa waxa ay sheegayaan in Dowladda Qadar ay kumadaan ku doonayso in ay ku xaliso khilaafka ka dhextaagan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble
Waxaana la sheegay in inta badan kulamada Ra’iisul Wasaaraha laga hadli doono sida ugu gudud ee khilaafka lagu soo afjari karo
Dowladda Qadar ayaa saaxiib dhaw la ah madaxda Dawladda Soomaaliya iyagoona dhowr jeer ka qeyb qaatay xalinta mushkilooyin taagnaa
Waxaana Qadar lagu xantaan in ay ku wanaagsanyaahay dhexdhexaatinta iyo xalinta Khilaafaadka

