Shir Amniga Looga Hadlayay Oo Ka Dhacay Baraawe

0

Maamulka maagalada Baraawe ayaa faahfaain ka bixiyay xalada amniga guud ee magalada xili ay isku diyaarineyaan Doorashada golaha shacabka ee BFS

Dhawaana ay aheyd markii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusen Rooble uu ku dhawaaqay in magalada barawe in ay noqoto magalada ugu horeyso ee ay ka bilaabaneyso doorashada golaha shacabka

Godoomiyaha degmada baraawe Omar shiiq cabdi oo la hadalay idaacada simba
<span;>ayaa waxa uu  faahfaahin ka bixiyay xaladaha amni ee baraawe taas uu sheegay godoomiyaha in xalada amni ee baraawe haatan tahay mid leysku haleyn karo si aadna ay ugu diyaar garoobeen dorashada lagu wado in ka dhacdo baraawe taas oo  lagu soo dooranayo Xildhibaanada Golaha Shacabka

Waxaana uu intaasi raaciyay in ay socdaan holgalo amniga lagu xaqiijinayo  oo qaarkooda  Saacadiihii lasoo dhaafay ay fuliyeen Ciidamada Amaanka Magaalada Baraawe

Dhinaca kale Godoomiyaha oo sii hadlayay ayaa ka warbixiyay in ay qabteen shirar  amniga magalada looga hadlayay  taas oo sheegay in ay qeyb ka ahaayeen odayaasha dhaqan mazuuliyiin ka socota Maamulka Koonfur Galbeed uu ka mid ahaa madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaaliya

<span;>Magalada baraawe waxaa marar dhowr ah Weeraro ku soo qaday Dagaalamasha Al-Shabaab inkastoo maamulka Degmada Baraawe ay sheegeen in haatan Xaalada Amni ee Magaalada ay tahay mid aad u wanaagsan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here