Doorashada Aqalka Sare Ee Hirshabeele Oo La Soo Gabagabeeyay

0

Waxa xalay Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hirshabeele lagu soo gabagabeeyay doorashada senetarada Aqalka Sare ee uu maamulkaaasi ku leeyahay Barlamaanka Soomaaliya

Labo kursi oo ka harsanaa Xildhaannada Aqalka Sare ku matali doono Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa saacadiihii lasoo dhaafay lagu doortay magaalada Jowhar, kuwaasi oo kala ah Senator Cali Shacbaan Ibraahim iyo Senator Zamzam Cabdullaahi.

Senator Cali Shacban Ibraahim ayaa helay 62 cod, halka musharaxii la tartamayay ee Cabdulqaadir Xanafi uu isna helay 24 cod. Sidoo kale Senator Zamzam Cabdullaahi ayaa heshay codad gaaraya 77, halka musharaxii la tartamaysay ee Naciimo Ibraahim ay ka heshay 8 cod, waxaana Zamzam ay noqotay mudanihii ugu dambeeyay ee ku guuleysta kursiga 8aad ee Golaha Aqalka Sare.

Xoghaya Guddiga barlamaanka hirshabeele uqaabilsan doorashada oo la hadalay idaacada simba ayaa waxa uu sheegay in si wanaagsan ay ugu soo gabgabooday Doorashada Aqalka Sare ee Dhacday Magaalada jowhar

Waxaana uu sheegay in rajeynayaan in sidaan oo kale ay si nabad doon ay soo gabgaboobaan doorashooyinka dalka

Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa soo dhameystirtay dhammaan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad, waxaana sidoo kale jirta in inta badan maamul Goboleedyada kale dalka ay soo doorteen Xildhibaanadii Aqalka Sare ku matali lahaa maamuladooda, taas oo ka dhigan in dhawaan ay soo gabagabeyn doono doorashada Xildhibaannada Aqalka Saree ee Baarlamaanka dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here