Doorashada Kuraas Kamid ah Aqalka Sare Oo Maanta Ka Dhaceysa Jowhar

0

Waxaana maanta lagu wadaa in Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hirshabeele in ay ka dhacdo doorashada laba kursi oo mid ah kuraasta Aqalka Sare uu ku leeyahay Maamulka Hirshabeele

Amaanka Magaalada howhar oo maanta la filayo in doorashadu ay ka dhacdo ayaa aad loo adkeeyay

Waxaana lagu wada in maanta si rasmi ah loogu  qabto doorashada kuraastaan oo hakad lagayay doorashadadood kadib markii uu muran xoogan ka dhashay mid ka mid ah kuraas taasi

Iyadoona haatan la sheegay in hogaanka maamulka hirshabeele  uu xalinyay isqabqabsigii ka taagaan kuraastaan islamarkaasna ay xaqiijiyeen in maanta ay dhaceyso doorashadoodu

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Maamul goboleedka Hirshabeele ayaa shaaciyay in maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 04/10/2021 Ladooran doono labadii kursi ee ka harsanaa Senitarada Aqalka Sare ku matalaya Hirshabelle.

Kursiga 1-aad ee Namberkiisu yahay #UH14 waxaa ku tartami doona sadexda musharax ee kala ah:-
1. cabiqadir xanafi sh. Bashir
2. Cali shacban Ibraahim
3. Cabdalla cabdi Xuseen

Kursiga 2-aad ee Namberkiisu yahay #UH14 waxaa ku tartami doona sadex musharax ee kala ah:-
1. Nacimo ibrahim Yusuf
2. ZamZam cabdullahi Axmed

Maamulka Hirshabeele ayaa waxa uu ka mid noqonayaa Maamulka soo gabagabeeyay doorashada aqalka sare oo waqtigii loogu in lagu qabto uu dhamaaday

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here