Waxaana maanta lagu wadaa in Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hirshabeele in ay ka dhacdo doorashada laba kursi oo mid ah kuraasta Aqalka Sare uu ku leeyahay Maamulka Hirshabeele
Amaanka Magaalada howhar oo maanta la filayo in doorashadu ay ka dhacdo ayaa aad loo adkeeyay
Waxaana lagu wada in maanta si rasmi ah loogu qabto doorashada kuraastaan oo hakad lagayay doorashadadood kadib markii uu muran xoogan ka dhashay mid ka mid ah kuraas taasi
Iyadoona haatan la sheegay in hogaanka maamulka hirshabeele uu xalinyay isqabqabsigii ka taagaan kuraastaan islamarkaasna ay xaqiijiyeen in maanta ay dhaceyso doorashadoodu
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Maamul goboleedka Hirshabeele ayaa shaaciyay in maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 04/10/2021 Ladooran doono labadii kursi ee ka harsanaa Senitarada Aqalka Sare ku matalaya Hirshabelle.
Kursiga 1-aad ee Namberkiisu yahay #UH14 waxaa ku tartami doona sadexda musharax ee kala ah:-
1. cabiqadir xanafi sh. Bashir
2. Cali shacban Ibraahim
3. Cabdalla cabdi Xuseen
Kursiga 2-aad ee Namberkiisu yahay #UH14 waxaa ku tartami doona sadex musharax ee kala ah:-
1. Nacimo ibrahim Yusuf
2. ZamZam cabdullahi Axmed
Maamulka Hirshabeele ayaa waxa uu ka mid noqonayaa Maamulka soo gabagabeeyay doorashada aqalka sare oo waqtigii loogu in lagu qabto uu dhamaaday

