Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxa uu kulan ka dhanka xiisada dagaal ee ka taagan ee ka taagan deegaanada Galmudug waxa uu ka wadaa Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Caasimada maamulka galmudug
Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxa uu saacadiihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha ciidamada Maamulka Galmudug iyo Odayaasha Dhaqanka
Waxaana kulamadaan looga hadlay sida laga yeelayo ahlusuna oo la weertay qeybo ka mid ah deegaanada Galmudug
Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa uu sheegay in aan la aqbalayn in ahlusuna ay qalqal galiso amniga Galmudug iyo in la carqaladeeyo heshiiskii lagu dhisay Galmudug
Dhankooda odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in xiisada jirta ay xal uraadinayaan kaas oo ah sidii xal aan dagaal aheyn loo heli lahaa.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne qoor qoor ay ka go,antahay in dagaal uu ku soo afjaro xiisada jirta halka odayaasha dhaqankuna la sheegay in ay sameenayaan dadaalo kala duwan iyo sidii sikala loogu xalin lahaa arinta taagan
Ahlusuna oo soo laba kaclaysay ayaa waxa ay ciidamadeedu la wareegeen gacan ku heynta Degmada Guriceel Ee Gobolka Galgaduud
Waxaana durbadiiba shalay Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Caasimada maamulka galmudug ka dagay sadax diyaaradood oo ciidan ah kuwaas la sheegay in ujeedka laga leeyahay uu yahay in lagu soo afjaro Ciidamada Ahlusuna

