Faahfaahino:- Qarax Khasaaro Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Kismaayo

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare kala duwan dhaliyay oo xalay  ka dhacay magaalada kismaayo ee gobolka jubbada hoose

Qaraxaan ayaa waxa uu ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso oo la galiyay goob maqaaxi ah oo lagu shaaxo taasi oo ku taal dhanka xeebta magaalada kismaayo

Waxaana qaraxaan uu geystay khasaare badan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac

afhayeenka madaxtooyada jubbaland oo la hadalay idaacada simba ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay qaraxaan iyo khasaaraha uu geeystay

waxaana uu sheegay in qaraxaan ay ku dhinteen laba qofood oo shacab ah islamarkaasna ay ku dhaawacmeen 8 ruux oo iyaguna ahaa dad shacab ah

ciidamada maamulka jubbland ayaa waxa lagu soo waramayaan in saakay ay halkaasi ka wadaan howlgalo kala duwan oo ay ku baadigoobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxaasi

Al-shabaab ayaa wararkooda dhinaca intarneetka ku sheegtay masuuliyada qaraxaan

waxaana ay sheegeen in ay ku dileen saraakiil iyo askar ka tirsan maamulka jubbaland

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here