Dowladda Mareykanka Oo Markale Warkasoo Saartay Khilaafka Madaxda Dalka

0

War Qoraal ah oo kasoo baxay dowladda mareykanka ayaa waxa Walaac xoogan looga muujiyay khilaafka ka dhex taagan Madaxda dowladda Fedraalka soomaaliya

Qoraalkaan ayaa waxa uu ahaa war saxafadeed uu soo saaray xogyaha arimaha dibada mareykanka ayaa waxa loogu baaqay madaxda dowladda soomaaliya in si deg deg ah ay u xaliyaan khilaafkooda

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha uu saameyn weyn ku yeelan karo islamarkaasna ay ka faiideysan karaan al-shabaab iyo kooxaha kale ee xagjiriinta ah ee ka dagaama dalka

sidookale waxa ay sheegtay dowladda mareykanku in khilaafkaan uu caqabad ku noqonayo geedi socodka arimaha doorashooyinka dalka ka soconaya

Waxaana madaxda dalka lagu la taliyay in sida ugu dhaqsiayaha badan lagu soo afjaro khilaafka ka dhex aloolsan madaxda dowladda fderaalka soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in loo baahnaahay in haatan laga shaqeeyo socodsiinta doorshada islamarkaasna aan loo baahneyn isqabqab iyo wax dib udhac keeni kara waqtigaan kala guur ka ah

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here